Dhageyso: Mustaf Dhuxulow oo weerar culus ku qaaday Farmaajo iyo Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo sida ay wax u socdaan ayaa dowladda dhexe ku eedeeyey inay maamul goboleedyada qaar ku khasabtay inay guddiyada doorashada u soo magacaabaan xubno ka tirsan NISA.

“Runtii dalku heerka uu marayo walaac badan ayaan ka qabaa, mudo dheer ayaan ka soo shaqeynayey dalkan, waxuuna hadda marayaa markii ugu adkeyd abid, waxaana jirata kheyru masuulnimo weyn oo ay sameeyeen Madaxweynaha iyo Taliyaha NISA oo aan ka fikireyn duruufihii adkaa ee dalku soo maray,” ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dhuxulow oo wareysigan siiyey VOA ayaa sheegay in fikirka Farmaajo iyo Fahad ee ah in maanta xubno la yaqaano oo ka tirsan NISA ay u qortaan guddiga doorashooyinka, iskuna dayaan inay u soo boobaan doorashada uu keeni karo xaalado adag iyo siyaasadda dalka oo cakiranta.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayuu Mustaf Dhuxulow ku taageeray go’aanka ay ku diideen inay soo magacaabaan xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashooyinka, isagoo maamullada kale iyo gobolka Banaadir ku dhaleeceeyey rabitaankooda ah inay xukunka ku soo laabtaan Fahad iyo Farmaajo.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu uga soo hor jeestay dowladda madaxweyne Farmaajo oo seddax sano iyo bar uu soo taageerayey ayuu sheegay in Farmaajo uusan ula dhaqmin sidii ay ka mudnaayeen dadkii ku soo dhaweeyey xukunka dalka.

Hadalkii shalay ee ra’iisul wasaare ku xigeenka ayuu ku macneeyey mid baqdin ay ka keentay, isla markaana uu Mahdi ku qasbanaaday inuu daacad u noqdo xukunka madaxweyne Farmaajo.

“Mar hadii qaar ka mid ah dowlad goboleedyadii lagu qasbaayo inay xubno la wato guddiyo u magacaabaan, waa dareemi kartaa Mahdi Guuleed wax meesha u yaalla in aysan jirin, marka hadiiba dowlad goboleedyadii is dhiibeen, isaguna inuu is dhiibo waa ku qasbanaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Inta badan siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa u arkaya hanaanka ay dowladda dhexe u maamuleyso doorashooyinka soo socda iyo guud ahaan siyaasada xiligan, inay tahay mid caqabad ku keeni karta hanaanka doorashada iyo amniga Qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Mustaf Dhuxulow