Xog: Maxaa shalay baajiyey safarkii Kheyre ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday safar Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre dib ugu soo laaban lahaa magaalada Muqdisho, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay qaban qaabadiisa ka socotay Muqdisho.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Kheyre u baaqday kadib markii uu ogaaday in dalka ku soo socdeen isla shalay musharaxiin kale, taas oo u arkay in aysan ku habooneyn in isagana uu yimaado, si aanu u weecan dareenka iyo miisaanka safarkiisa.

Xubno ka tirsan guddiga olalaha Kheyre ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre imaan doono maalin aysan safar soo aheyn musharaxiinta kale islamarkaana uu rabo in maalintaas gaar u ahaato, waxaana la filayaa inuu maanta oo Jimce ah uu soo gaaro Muqdisho.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa ku soo laabtay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Musharax Madaxweyne, waxaana la filayaa in kuwa kale ay soo gaaraan Muqdisho maalmaha soo aadan.

Xasan Cali Kheyre waxa uu kamid yahay Musharaxiinta sanadkaan saameynta weyn ku leh doorashada Soomaaliya, waxaana Muqdisho ka socda qaban qaabada soo dhoweyntiisa.

Kheyre oo musharaxnimadiisa uga dhowaaqay twitter-ka ayaa la filayaa inuu qabto munaasabad uu uga hadlayo musharaxnimadiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed.