DF oo ka faa’iideysaneysa maqnaanshaha xubnaha Jubaland iyo Puntland ee guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal ayaa shalay billaabay shaqadooda iyadoo aysan weli Magaalada Muqdisho soo gaarin xubnihii guddiyadaan ku matalayey maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Labada Guddi ayaa qorsheynaya inay maalmaha soo socdo doortaan labada Guddoomiye, waxayna doorashada noqon doontaa 50+1 oo ka dhigan in guddiga doorashada heer Federaal ay guddoonka dooran doonaan 13 xubnood oo kamid ah 25-xubnood.

Sidoo kale guddiga Xallinta khilaafaadka ee heer Federaal ayaa waxaa guddoonka dooran doonto 50+1 kamid ah 21 xubnood ee guddigaas ka kooban yahay taasoo noqoneyso 12 xubnood.

Waxaa muuqato in labada guddi ay ka tashteen xubnaha maqan ee ka kala tirsan maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana arrintaas fursad weyn u arka dowladda Dhexe oo ka faa’ideysaneysa maqnaanshaha xubnaha Jubbaland iyo Puntland ku leeyihiin Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee heer Federaal.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto shaqada doorashada 2020-2021 iyo sida loo soo xulayey guddiyada.

Dhawaan 12 musharax  oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  ayaa qaadacay guudiyaada doorashooyinka ee magacaaban, kuwaas oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, inkastoo Jubbaland iyo Puntland aysan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyadaas, iyagoo saluug badan ka qaba hanaanka ay wax u wado Villa Somalia.