Beesha Mudulood oo gaartay heshiis 2016-ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo xalay saqdii dhexe ay isugu yimaadeen siyaasiyiin waxgarad iyo dhinacyada kala duwan ee Beesha Mudulood ayaa looga heshiiyay khilaaf ku saabsan qaabka ay doorashada dalka u dhaceyso kadib markii koox ka mida beesha oo uu hogaaminayo Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi ay dhowaan taageereen in qaabka doorashada degmooyinka.

Kulanka oo inta badan madaxda beeshaasi ee dowladda ku jirta, xildhibaanno iyo siyaasiyiin isugu yimaadeen ayaa looga dooday sababta qeyb ka mida siyaasiyiinta ay go’aan iskood ah u qaateen iyadoo xilligan aan arrintaasi taagneyn beel ahaan, waxaana dood dheer iyoo falanqeyn kadib beeshu ka heshiiyay arrintan.

Waxaa la go’aamiyay in qaabka doorashada iyo arrimaha siyaasadda ay beeshu ku ixtiraamto madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladda Federaalka, isla markaana la wada taageero wixii go’aan ah ee ka soo baxa shirka madasha wadatashiga ee ka socda Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeelle iyo xubnihii kale ee hore go’aanka u qaaday ayaa ka laabtay warkoodii hore, waxayna si buuxda u taageereen heshiiska beesha ee ku saabsan qaabka doorashada dalka in looga dambeeyo madaxda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com