Booliska maamulka Jubaland oo xabsiga dhigay nin TikTok ku baahiyey war yaab leh

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa xabsiga u taxaabay wiil bartiisa TikTok ku faafiyay muuqaal uu iska duubay, isla markaana uu ku shaaciyey in Kismaayo uu ku noolyahay nin ay xaas u tahay gabadhiisa.

Ninkaan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa muuqaalkii uu iska duubay wuxuu ku sheegay in ninka guursaday gabdhiisa ay u joogaan carruur ay u dhashay, intaas kadibna waxaa bilowday baaritaanka arrintaas.

Booliska Jubbaland ayaa baaray waxa ka jira arrintaas, balse waxay saraakiishu sheegeen in aysan waxaba ka jirin, waxaana wiilkii beentaas sheegay laga soo qabtay magaalada Dhoobley, iyadoo diyaarad lagu geeyey Kismaayo, halkaas oo lagu xiray.

“Arintaas markii ay ciidanka booliska Jubbaland baaritaan ku sameeyeen run ma noqon oo waa waxba kama jiraan,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee booliska Jubbaland.

Muuqaal kale oo xabsiga looga dhex duubay ninkii dhallinyarada ahaa ee beenta sheegay, ayuu ku qirtay in warkii uu horay TikTok ugu faafiyay uu ahaa mid been abuur ah.

Cabdirisaaq Cabdullaahi ayaa sheegay inuu garowsaday in warkiisu uu bulshada ka dhex abuuray qalqal iyo walaac badan. Waxayna Booliiska Jubbada Hoose sheegeen in markii uu soo gaaray warkaas baaritaan deg deg ah bilaabeen, maadaamaa arrintaas ay aad uga hor imaaneyso dhaqanka iyo diinta Islaamka, isla markaana ay u cadaatay in warkaasi uu been yahay.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur ayaa markii uu muuqaalkaas duubayay wuxuu ku sugnaa magaalada Dhoobley, kadibna loo duuliyay magaalada Kismaayo, halkaas oo su’aalo lagu weydiiyay. Booliiska ayaa uga digay dhallinyarada in ay ka fogaadaan waxyaabaha diinteenna suuban ka hor imaanaya. https://mommabe.com