Muxuu Wasiir BAYLE kala hadlay dowladda Britain?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) ayaa kulan gaar ah la yeeshay danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.

Bayle oo ka warbixiyey kulankan ayaa sheegay inuu ahaa mid muhiim ah,wuxuuna tilmaamay in diiradda lagu saaray sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda Soomaaliya.

“Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Dowladda UK oo kala ah Kate_Foster Safiirka iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip_Parham,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirki.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “ Waxa aan ka wadahadlanay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Somalia”

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada uu wado wasiirka maaliyadda oo kulamadiisa laba jibaaray, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Horey madaxweynaha cusub iyo wasiirka ayaa ula shiray hay’adda lacagta aduunka ee IMF, iyaga oo ka wada-hadlay arrimaha deyn cafinta dalka.

Soomaaliya ayaa kasoo gudubtay marxaladdii adkeyd iyo doorashooyinka, waxaana dowladda cus looga fadhiyaa inay sii amba qaado howlaha horyaallo.