CIRRO oo ku baaqay dibad-bax ka dhan ah Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Murashaxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo is maro-waaga u dhexeeyo mucaaradka & xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Cirro ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbiga Wadani iyo guud ahaan shacabka Somaliland inay u diyaar garoobaan dibad-bax ka dhan ah xukuumadda, si loo muujiyo dareenka shacabka ee ku aadan xaaladda adag ee ka taagan deegaanada Somaliland.

Ujeedka isku soo baxooda ayuu ku tilmaamay in loogu hiilinayo sharciga, si loo ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeynta Somaliland.

“Waxaan taageerayaasha xisbiga Waddani iyo shacabka Somaliland ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan in ay muujiyaan dareenkooda si Muuse iyo xukuumaddiisa sharciga loogu soo dabbaalo” ayuu yiri Murashax Madaxweyne Cabdiarxmaan Cirro

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada Somalilad, wuxuuna ka dalbaday in aysan ka cararin ciidamada Booliska oo ay xittaa hadii ay rasaaseeyaan ay isku dhigaan.

“Dhalinyarada waxaan leeyaha, haddii ciidanku rasaas sharci darro ah idinku soo ridaan isku dhiga” ayuu sii raaciyey siyaasiga Cabdiaxmaan Ciro.

Hadalkan aya kusoo aadayo, iyada oo ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii foolka foolka ah ee u socday xisbiyada mucaaradka, Wadani, Ucid iyo xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa ka jira dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo u dhexeeya Wadani, Uicid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaas oo isku haya doorashada.