Sawiro: Buug uu qoray wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaalia kusoo bandhigay buug uu qoray oo loogu magac daray Xog iyo Xusuusreeb kaas oo uu kaga hadlay waayihiisii nololeed iyo shaqooyinka uu soo qabtay oo ay ugu dambeysay Shaqadii Wasaaradda Boostada.

Buugga uu qoray Cabdi Canshuur Xasan ayaa wuxuu sidoo kale kaga faalooday qaar ka mid ah caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna buugiisa ku sheegay tallaabooyin wax looga qaban karo caqabahadaas.

Xafladda lagu soo bandhigay buugaas ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, musharixiinta xilka madaxweynimo, Culumaa’udiin, Ganacsato, Dhallinyaro iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda  Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo kamid ah dadka ugu waayo-aragsan ee ka mid ah xukuumadda ayaa ku ammaanay Eng. Cabdi Cashuur sida uu ugu dhiirraday inuu ka hadlo waxyaabaha Xukuumadda ka khaldan iyo sida loo sixi karo.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda, Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo ka qeybgashay xafladda ayaa wasiir Cabdi Cashuur ku ammaantay inuu ku dhiirraday qoritaanka, isla markaana soo bandhigo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadihii uu la kulmay.

Md. Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, sidoo kalena ah saxafi hore iyo qoraa, ayaa sheegay inuu aad uga helay buuggan, isagoo xusay in qofkii akhristo uu ka heli karo xog, madadaalo, iyo qodobo dood dhalin kara.

Md. Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta, ahna murashax madaxweyne ayaa sheegay in buuggan uu dhiirrigelin u yahay wasiirrada kale, isla markaasna wuxuu wasiirada kale ugu baaqay inay ku daydaan Wasiir Canshuur.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa xafladda ka sheegay in buugga uu qoray Wasiir Canshuur uu dhiiragelin weyn u yahay wax qorsita iyo jiilashada dambe.

Ku-simaha Guddoomiyaha Akademiya-goboleedka Af Soomaaliga (AGA), Xildhibaan Maryan Cariif Qaasiimayaa si gaar ah u sheegtay inuu buuggaan wax weyn ka tari doono arrimaha dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sidii loo toosin lahaa waxa ka khaldan.

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee buuga soo aqriyay ayaa si weyn usoo dhaaweeyey buuggaan oo uu ku sheegay inuu yahay mid wax badan ka badali kara xaaladda ay ku jirto Soomaaliya.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka Dr Cusmaan Cilmi Guuleed sidoo kalena ka mid ah dadkii buugga soo aqriyay ayaa xafladda ka sheegay inuu buugaan dhaxalreeb yahay isagoo sheegay in wasiirada kale looga  baahan yahay inay sidan oo kale bulshada ugu warbixiyaan.