Buuq iyo xiisad caawa ka taagan xafiiska Jawaari kadib war aan la fileynin oo kasoo baxay (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq iyo xiisad siyaasadeed ayaa caawa ka taagan xafiiska guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliiya Maxamed Cismaan Jawaari, kadib markii la sheegay inuu billaabay laba qalbiyeen ku aadan mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha.

Guddoomiyaha oo horey uga diiday madaxweynaha inuusan mooshinka horgeyn baarlamanka, ayaa la sheegaya in caawa uu u muuqdo nin is-beddelay oo cabsi ay soo wajahday.

Jawaari ayaa xildhibaannada wada mooshinka caawa u sheegay in sidii qorshuhu ahaa uusan beri soo gudbin karin go’aankiisa ku aadan mooshinka, maadaama ay dhammaatay shanti maalmood ee uu haystay.

Waxaa sida la sheegay uu codsaday maalmo dheeri ah, oo uu uga soo fakaro, taasi oo xildhibaannada ay ku gacan seereen, una sheegeen inuusan waqti u baahneyn, balse uu ka baqayo madaxweynaha.

Dhowr iyo toban xildhibaan oo ka mid ah kuwa wada mooshinka ayaa iminka ku sugan xafiiskiisa, kuwaasi oo buuq iyo xiisad siyaasadeed ay kala dhaxeyo Jawaari.

Waxaa sida la sheegay ay xildhibaanada ku hanjabeen in haddii uusan mooshinka horkeenin baralamanka berri oo talaado ah ay ayaga horgeyn doonaan.

Dhinaca kale, beesha caalamka ayaa la sheegay inay beri soo saari doonaan war ku saabsan arrinta mooshinka, kadib markii la ogaaday in madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta bixiyey 300,000 oo dollar oo laaluush ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com