CC Shakuur: “Qoraalka ay madaxtooyada ka faafisay heshiiska Kenya, shacabka ayuu xadgudub ku yahay”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo horjeedo Siyaasadda ay Dowladda Soomaaliya ku maamuleyso dalka ayaa ka hadlay heshiiska dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xad gudub ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ku tilmaamay qoraalkii ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya kaasoo lagu sheegay inaysan labada madaxweyne isku soo hadal qaadin arrinta Badda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan macquul ah in la heshiiyey oo aan haddana lasoo hadal qaadin wixii markii hore la isku Khilaafay.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ka qaldabay inay xaqiiqda usoo gudbiso Shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook:

Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay. Waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah weeye in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego. Madaxweynuhu waa in uu runta ka sheego wadahalladii (Addis Ababa iyo Nairobi) lagula yeeshay. Saxaafadda Soomaalida waa in aysan soo minguurin qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ee waa in ay baaritaan dheeraad ah samaysaa, su’aalo wax ku ool ahna la timaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com