Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Maxamuud Cumar.
Cabdi Cumar ayaa maanta kasoo hormuuqan doona Maxkamada oo ay uga furan tahay dacwad.
Cabdi Cumar ayaa waxaa dacwada kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka dalka Ethiopia dacwadahaasi oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.
Sidoo kale, qaar kamid ah qoyska Cabdi Maxamuud ayaa sheegay inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadeynta maanta la filayo inay ku dhacdo Cabdi Cumar.
Lama oga natiijada kasoo bixi doonta Maxkamadeynta Cabdi Cumar, waxaana xusid mudan in maxbuuska caafimaad ahaan uu iminka wanaagsan yahay.
Somali opposition candidates have accused the government of blocking last week's protests against outgoing President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmajo, and his administration.
“The person...