Xoghayaha guud ee QM oo si rasmi ah u magacaabay ergeyga gaarka ee Somalia

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabista Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, kaasi oo noqonaya wakiilka gaarka ah ee xoghayha guud u qaabilsan Soomaaliya.

Danjire Michael Keating oo maamulayay  xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo  22-kii Bishii November, 2015, Isagoo  bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain

Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo British ah, laga billaabi kowda bisha October.

Mr. Haysom ayaa ah garyaqaan muddo ka shaqeynayey diblomaasiyadda caalamiga ah, isaga oo diiradda saaraya maamulka dimoqraadiyadda, dastuurka, isbeddelada doorashooyinka iyo hanaanka dib u heshiisiinta.

Waxa uu hadda yahay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan iyo Koonfur Sudan, xilkaas oo uu hayey tan iyo sanaddii 2016.

Ka hor xilkan, waxa uu ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Afghanistan iyo madaxda howlgalka QM ee caawinta Afghanistan (UNAMA), xilkaasi oo uu hayey 2014 illaa 2016, isaga oo xilkaasna si ku xigeen ah u hayey 2012 illaa 2014.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com