Cabdi Xaashi, Maareeye iyo Ibraahim Iidle oo ku biiray SHIRKA musharraxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi, guddoomiyihii hore maxkamadda sare, Ibraahim Iidle Suleymaan iyo wasiirkii hore warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku biiray shirka musharraxiinta oo galay maalintii 3-aad.

Shirka oo lagu waday in maanta la soo gaba-gabeeyo ayaa dib loo dhigay, waxaana la soo xiri doonaa maalinta beri ah oo laga so saari doono war-murtiyeed.

Cabdi Xaashi, Ibraahim Iidle iyo Maareeye ayaa shirka siin doono warbixin ku aadan khilaafka ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah ay mas’uuliyiintan uga hadli doonaan muranka ka taagan guddiyada doorashada ee gobollada waqooyi ku metalaya doorashada.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa horey wada-tashiyo gaar ah ula yeeshay ururada bulshada rayidka yo culimada, si ay doorashadu u noqoto wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.