Wararkii ugu dambeeyey ee shirka u socda musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socda shirka wada-tashiga musharraxiinta oo galay maalintiisii 3-aad.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya illaa 14 musharrax oo u taagan xilka madaxweynaha, kana qeyb-galaya tartanka doorashada ee 2020/21.

Wararka ayaa sheegaya in shirka lagu daray maalin dheeri ah, islamarkaana la soo xiri doono beri oo Talaado ah, iyada oo la filayo in laga soo saaro war-murtiyeed & go’aano la xiriira waxyaabaha laga wada-hadlay.

Saxaafadda ayaa sidoo kale loo diiday inay galaan hoolka, waaana kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kuwii hore ee ay yeesheen musharraxiintu.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saaray doorashada soo socota, gaar ahaan muranka ka taagan dhismaha guddiyada ka shaqeynaya doorashadaasi.

Musharraxiinta ayaa walaac xoogan ka muujinayo guddiyadaasi oo ay dhowaan ku dhowaaqday xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo dalbanaya in is-bedal lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirweynahan uu maanta ku biiro guddoomiyaha golaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi oo si weyn uga soo horjeedo, sida ay wax wado xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale musharraxiintu ay wada-tashiyo gaar ah la yeesheen ururada bulshada rayidka ah iyo culimada u diinka, si ay doorashadu u naqato wada-ogol.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan mareyso meel xasaasi ah, waxaana meel aad u fog kala joogo hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda dowladda dhexe.