Dad ku dhintay dabeylo ku dhuftay bariga PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay deegaanada Puntland ka da’ay roobab dabeylo wata oo ku dhufay xeebaha ku yaalla maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabeylahaasi oo horey looga digay ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan shan ruux oo kalluumeysato ahaa ayaa ku dhintay roobabka ka da’ay xeebaha maamulka Puntland, gaar ahaan gobolka Bari.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa shaaciyey in kalluumeysatada geeriyootay ay la rogmatay doonidii ay saarnaayeen, xilli ay ka jalaabayeen xeebaha maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in haatan ay socdaan gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Sidoo kale wuuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah ee degan agaarka xeebaha inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

“Degmada Xaafuun waxaa ka da’ay Roob Dabayla wata oo aan ka dignay maalmihii lasoo dhaafay, xaaladdu ma wanaagsano, maadaama isgaarsiintu aan la heli Karin, balse baadi-goob ayaa socda si gurmad loo gaarsiiyo dadka halkaas ku sugan ay u nugul yihiin Roobabka laga digay,” ayuu yiri waxaa yiri guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Shalay ayey aheyd markii ay digniin ku aadan dabeylahan soo saartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo farriin u dirtay dadka degan xeebaha Puntland.