Cabdiqaadir Coday oo maanta xukun xadhig iyo ganaax ah la isugu daray

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Warar aanu helayno ayaa sheegay in Wariye Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Coday) maanta la horkeenay Maxkamada gobolka Maroodi-jeex, taasi oo go’aan kama dambeysa ah ka gaartay kiiska loo haysto.

Cabdiqaadir Coday oo muddooyinkii dambe Kiiskiisu ka socday Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay maxkamadu maanta ka gaadhay go’aan kama dambeysa ah oo iskugu jira xadhig iyo ganaax lacageed.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa Coday ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo Saddex Milyan oo SL Shiling ah, oo Maxkamadu ku sheegtay inay tahay ganaax lacageed, sida uu baahiyey Agaasimaha Telefishanka HCTV.

Maxamed Cabdi Ilig, Agaasimaha guud ee Telefishanka HCTV, ayaa xukunka ay maanta Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ku riday Coday ku tilmaamay mid cadaalad darro ah, oo uu aad uga xun yahay.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay xadhiga Cadaalad darada ah ee ku dhacay Cabdiqaadir Cismaan Casayr” ayuu yiri Agaasime Maxamed Ilig.

Cabdiqaadir Coday ayaa muddooyinkii dambe ee uu xidhnaa waxa dhowr jeer la geeyay Isbitaalka, si loogu dabiibo xaalado caafimaad daro oo soo wajahay inta uu ku jiray xabsiga.

Xukunka maanta ay Maxkamdu ku riday Coday ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay si weyn uga dayriyeen Dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo xoriyada saxaafada, kuwaasi oo iyagu xadhiga Cabdiqaadir u arkayey mid sharci daro ah, isla markaana ay tahay in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.