Sultan Qaboos bin Said Al Said oo geeriyooday

Muscat (Caasimada Online) – Suldaankii dalka Cuman, Sultan Qaboos bin Said Al Said, oo ahaa hoggaamyihii ugu xukunka dheeraa carabta ayaa geeriyooday Jimce isaga oo 79 jir ah, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Sultan Qaboos ayaa bishii tagtay kasoo laabtay tijaabo caafimaad oo uu kusoo maray dalka Belgium. Waxaa jiray warar sheegaya inuu qabay cudurka kansarka.

Sultan Qaboos ayaa afgambi aan dhiig ku daadan wuxuu xukunka kala wareegay aabihiis 1970-kii, isaga oo taageero ka helaya Britain. Wuxuu kadib isaga oo adeegsanaya saliidda ay qaniga ku ahayd Cuman, dalkiisa ku hoggaamiyey waddada horumarka.

Sultan Qaboos ayaan lahayn xaas, iyo caruur ka dhaxasha xukunka, si rasmi ahna uma magacaabin qof beddela, inta uusan dhiman ka hor.

Sida ku qoran xeerka Saldanadda, Golaha Qoyska Boqortooyada – oo ka kooban 50 rag – ayaa suldaan cusub ku dooran doona muddo saddex maalmood gudahood ah.

Haddii qoyska aysan ku heshiin suldaan cusub, golaha difaaca qaranka, guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Golaha Shuurada iyo Golaha Dowladda ayaa furi doona warqad xiran oo uu Sultan Qaboos uu si sir ah ugu qoray magaca qofka uu u doortay inuu xukunka ka beddelo, haddii aan qof lagu heshiin.

Dadka aadka loo hadalka hayo inay beddeli karaan ayaa waxaa ka mid ah saddex walaalo ah, oo isaga ilmo adeer la ah, kuwaas oo kala ah;  wasiirka Dhaqanka Haitham bin Tariq Al Said; ra’iisul wasaare ku-xigeenka Asaad bin Tariq Al Said; iyo Shihab bin Tariq Al Said oo ahaa taliyihii hore ee ciimdada Badda Cuman, islamarkaana la-taliye u ah Saldanadda.

Suldaanka waa qofka leh go’aanka ugu dambeeya ee Cuman, wuxuuna sidoo kale hayaa xilalka ra’iisul wasaaraha, taliyaha sare ee ciidamada, wasiirka difaaca, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka warrimaha dibedda.

Dalka Cumaan ayaa looga dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo billaabaneysa maanta oo Sabti ah.