Madaxweyne BIIXI iyo Faysal Cali oo caawa kulan ka leh dacwadii taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa in caawa ay kulan ku yeeshaan Qasriga Madaxtooyada, xili ay taagan tahay dacwad la sheegay inay Faysal Cali ka gudbinayeen qoyska Biixi.

Kulankaasi ayaa waxa lagaga wada-hadli doona sidii loo dajin lahaa xiisada ka dhalatay hadalo uu dhowaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku duray Madaxweyne Biixi iyo qoyskiisa, taasi oo uu ku sheegay in Biixi uu Somaliland ka dhigay tukaan ay Qoyskiisu siday doonaan ka yeelaan.

Waxaana kulankaasi todobaadyadii dambe ku howlanaa oo ka soo shaqeynayey Odayaal iyo Siyaasiyiin isku xilqaamay daminta xiisada ka dhex aloosan Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Faysal Cali iyo Biixi ayaa aad u sii kala fogaaday kadib eedeymihii uu warbaahinta u mariyey Guddoomiyuhu, midaasi oo soo shaac-bixisayna dacwada ka dhanka ah Faysal Cali oo ay ka gudbinayaan Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi.

Kulankan ayaa la filayaa hadduu caawa qabsoomo in uu soo af-meeri doono xiisada ka dhex aloosan Muuse Biixi iyo Faysal Cali, midaasi oo suurta-galin doontana in gebi ahaanba la laalo dacwadii ka dhanka aheyd Faysal Cali.

Wuxuuna ku soo aadaya kulankaasi xili ay maalintii Khamiistii si weyn oo dhoolatus ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, isla markaana uu mar labaad hadalo kulul hawada u mariyey xukuumada Muuse Biixi.

Inkasta oo si rasmiya loo sii ogeyn natiijada ka soo bixi doonta kulankaasi, haddana waxa la filayaa inay iskugu laab xaadhaan doonaan Biixi iyo Faysal kulankaasi, iyada oo aysan cadeyn in Biixi uu ka dalban doono eedeymahaasi uu hore ugu jeediyay Faysal inuu ka bixiyo raali-gelin.