DF oo jawaab ka bixisay diidmada M/Goboleedyada ee sharciga batrooolka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay mar kale ka hadashay hindise sharciyeedka Batroolka dalka, kaas oo ay meel mariyeen labada aqal ee baarlamanka dalka.

Sharcigan ayaa markii la ansixiyay kadib waxaa ka dhashay muran, ayada oo ay si weyn uga soo horjeesteen dawlad goboleedyada dalka ee ay ugu horayso Puntland.

Wasiirka wasaaradda batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in xukuumaddu ay horay dawlad goboleedyada dalka ka jira kala hadashay qaybsiga khayraadka dalka ee uu ka midka yahay batroolka.

Waxa uu sheegay in bishii June 2017 ay dhammaan madax goboleedyada dalka ee xilligaas jiray ay saxiixeen heshiiska wadaagga kheyraadka dalka, oo shidaalka qeyb uu ka yahay, sidaas darteedna uu la yaaban yahay diidmada hadda ka imaneysa.

“Markii dowladda ay dhowaan soo qaaday lacagtii ay ku lahayd shirkadaha Shell iyo Exxon waxay ku qeybisay heshiiska, dhammaan maamul goboleedyada dalka way qaateen saamigooda, ayaga oo aan diidmo muujin.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedyada dalka ka jiro oo dhan ay xildhibaano matala ku leeyihiin labada Aqal ee baarlamanka, islamarkaana ay heshiiska ogolaadeen.

“Heshiiskan waa dhaqan galayaa marka madaxweynaha uu saxiixo, mana jirto wax kale oo laga wada-hadlo” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa waxa uu wasiirku ka sheegay mar uu la hadlayay taleefishinka qaranka.