Cabdiraxmaan BEYLE: Soomaalida waa loo baahan yahay ee haka faa’iidesato

Brussels (Caasimada Online) – Magaalada Brussels waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka Midowga Yurub iyo Afrika.

Madaxda ka qaybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo sawirkan ka muuqda isaga oo la taagan Madaxweynayaasha Guddiga Yurub iyo Golaha Jose Manuel Barroso (Bidix) iyo Herman Van Rompuy (Midig).

1544934_10152139494004475_1817039274_n

Haddaba wasiirka arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Beyle oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha la socda ayaa ka warbixiyay wax yaabaha shirka looga hadlay iyo Soomaaliya wax yaabaha ay ka faa’iiday.

Wasiirka waxaa uu sheegay in shirka uu ahaa shirweyne caalami ah oo looga hadlaayay dhibaatada ka taagan qaarada iyo sidda Midowga Yurub ay gacan uga geesan karaan dhibatadaas.

Wuxuu sheegay in marka laga soo tago shirkaas ay jireen kulamo gaar-gaar ah oo madaxweynaha uu la qaatay madaxdii ka soo qaybgashay shirka.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Soomaaliya aad loo daneenaayo marka loo eego shirka iyo sidda wadamada ka soo qaybaglay shirka Brussels ay u jecel yihiin in Soomaaliya wax la qabtaan.

Wasiirka waxaa la weydiiyay in ay jireen ballan qaadyo dowladda Soomaaliya loo fidiyay intii shirka uu socday, wuxuu xusay in ay jiraan waddamo badan oo ballan qaadyo u fidiyay aaney jirin cid ku dabagasha siddii loo heli lahaa dhaqaalaha ay Soomaalida u ballan qaaday.

Wasiirka wuxuu carabka ku adeeyay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka faa’ideesato fursada ay maanta heesato ee ah in diyaar lala yahay in dhaqaale iyo taageero la siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com