Cabdullaahi Carab oo ka hadlay shaqaaqadii dhex-martay booliska iyo ardayda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanad walba qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 4-aad ee Dusiga Sare, kaasi oo ay sanadkaan u fadhiisteen in ka badan 35,000 oo arday, oo ku sugan dowlad goboleedyada; Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdullaahi Abukar oo soo xiray Imtixaanka ayaa yiri “Waxa aan ku guuleysanay in sanadkaan uu Imtixaanku  si nabad ah inoogu soo gaba-gaboobo, waxaana uu ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, waalidiinta dhalay ardada, waasadaha maamulada, ciidamada booliska iyo barayaashii ka qeyb qaatayne waa u mahad-celineynaa”.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada oo wax laga weydiiyay shaqaaqo dhacday inta uu Imtixaanka socday ayaa yiri; ”Arday dhaawacmay ama wax noqday ma jiro, Mobile iyo qish lagu qabtay bay ka buuqeen wixiina Booliskaa xalliyey, Waalidiinta waxa aan fareynaa imtixaanada soo socda in ay Mobile-da kasoo reebaan.”

Maalintii 3-aad ee Imtixaanka ayey aheyd markii ay soo baxday in Arday kamid ah kuwa u fariistay imtixaanka iyo ciidamada ilaalada ka ahaa banaanka hore ay isku gacan qaadeen, taasi oo la sheegay inay keentay in rasaas furaan ciidamada, taasi oo uu ka dhashay dhaawac.

Si kastaba, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanad walba qaada Imtixaanka shahaadiga ee Fasalka 12-aad, waxaana imtixaanka qeybgalin ardeyda ku dhaqan deegaanada Puntland iyo Somaliland, oo ayagu iskooda uga qaada ardeydooda.