Cali Americo oo loo diiday inuu galo Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online)- Safiirkii  hore ee dowlada Soomaaliya u joogay dalka Kenya ayaa loo diiday inuu gudaha u galo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu doonayay inuu gudaha u galo.

Maxamed Cali Nuur Americo ayaa maalmahaan safar ku marayay degmooyin iyo maamulo kala duwan oo ka dhisan gobolada dalka Soomaaaliya, halkaasi oo bilad sharaf lagu gudoon siinayay.

Cali Americo, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in safarka uu ku marayo gobolada kala duwan ee dalka uu yahay mid uu ugu magac daray safarka Nabbada.

Amarka loogu diiday Cali Americo inuu gudaha u galo magaalada Beledweyne waxaa bixiyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, lamina oga ilaa iyo sababta arintaasi ka dambeysay.

Cali Americo oo VOA la hadlay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababta loogu diiday inuu galo gudaha magaalada Beledweyne.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in magaalada loogu diiday sababo la xiriiro safaradiisa oo dhanka siyaasada ah iyo ciidamo badan oo la socday Cali Americo, waxaana lagu celiyay degmada Matabaan oo ciidamada Ahlu sunna ay joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com