Cali Geedi oo ka madax banaanayo Nabad iyo Nolol iyo xisbiga uu sameysanayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul-wasarihii hore ee Dowladii KMG, Prof. Cali Maxamed Geedi oo haatan socdaal ku jooga dalka Koonfurta Afrika ayaa sheegay inuu  kudhawaaqi doono Xisbi Siyaasdeed uu isagu madax ka yahay.

Prof. Geedi waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, isaggo carrabka ku dhuftay in Xisbigiisa ku dhawaaqi doono isla bishan July, inkastoo uusan faahfahinin xilliga rasmiga ee uu yegleeli doono Xisbigiisa Cusub.

Cali Maxamed Geeddi waxa uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Dowladii KMG ee Madaxweyne Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed muddadii u dhexeysay bishii November 3-dii ee sannadkii 2004-kii ilaa bishii October 9-dii ee sannadkii 2007-kii.

Dhinaca kale, Cali Maxamed Cali waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuu Dowladda Turkiga uga mahad celinayo taageeradda Horumarinta Kaabayaasha iyo Gargaarka Aadminimadda ee ay la garab tagaan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.

“Turkiga waa waddan aad saaxiib iyo walaal h ah, waxayna Somalia aad uga mahad ceelinaysaa Taageeradooda, waxaana Annaga rumeysanahay inay Taageeradaasi sii socon doonto” ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Waxa kale oo uu Turkiga uga mahad celiyey taageeradda ay ka geystaan Tababarka Ciiddanka Somalia iyo Saraakiisha DFS.

Ra’isul-wasarihii Dowladii KMG, Cali Maxamed Geedi waxa uu xusay inuusan xiriirka labada waddan bilaabanin muddadi ilagu jiray Macluushii ka dhacay Somalia sannadkii 2011-kii, balse uu bilowday sannooyin badan kadib,markii uu Ra’isu-wasarihii hore ee Turkiga ee haatan ah  Madaxweynaha dalkaasi, Rajab Dayib Erdogan ku yimid booqashadda dalka Somalia.

“Inkastoo Somalia saaxiibo badan ku leedahay Caalamka, haddana Turkiga ayaa horsed u noqday dhabaha lagu taageeray Somalia xilligii ay macluusha ba’an ka jirtay qeybo ka mid ah Somalia sannadkii 2011-kii” ayuu Cali Maxamed Geedi ku sheegay Wareysigiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com