Dowladda Soomaaliya oo amar culus dul dhigtay xubnaha Beesha caalamka u joogo Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay  kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Suudaan

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudan, waxaana uu sheegay in dhammaan Safiiradda ay isla garteen in la taageero heshiiskii dhawaan ay gaareen Golaha Milatariga Suudan iyo Kooxda Banaanbaxyadda wadda.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay  dadaal badan ku bixin doonto Sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudaan, islamarkaana Ururka Jaamacadda uu ku dadaali doono in dowlad buuxda laga dhiso dalka Suudaan.

Arrimaha Guinea

Wasiirka Cawad oo uu ku dheeraaday Sababtii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea  waxaana uu sheegay in dowladdaasi ay si cad ugu xadgudubtay Soomaaliya Qaranimadda, islamarkaana qeyb ka mid ah Soomaaliya ay Casuumaad dal ahaan ah ay u fidiyeen.

Waxaa uu sheegay in sababta ay arintaasi u gaareen ay tahay in  dal walba uu ixtiraamo Qaranimadeena.

Waxaa uu xusay in go’aanka xiriirka loogu jaray uu yahay mid laga baaran degay, islamarkaana Waqti badan laga fakiray.

Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalkan, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.

Soomaaliya iyo Somaliland

Waxaa uu xusay Wasiir Axmed Ciise Cawad in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Galmudug.

Waxaa uu ka hadlay Safarka Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ee degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in guulo waa weyn laga soo hooyay oo Ra’iisul Wasaaraha uu booqday magaalooyin badan haddana uu booqon doono Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com