Guudlaawe oo Mareykanka la wadaagay arrin la xiriirta dagaalka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Larry AndrĂ©.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee ku dhex taallo xerada Xalane ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Shabaab iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Cali Guudlaawe iyo Danjiraha ayaa si gaar ah uga wada-hadlay amniga HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraan iyo Sh/ Dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha HirShabelle ayaa la wadaagay Danjiraha Mareykanka Larry André in dagaaladii ugu dambeeyay ee lala galay Al-Shabaab lagu jabiyay, isla-markaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in haatan lagu jiro waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta, si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada uu haatan madaxweynaha HirShabelle ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka oo uu haatan u joogo howlo shaqo oo u gaar ah.

HirShabelle ayaa haatan meel wanaagsan ka gaartay dagaalka Al-Shabaab, waxayna ku guuleysatay in inta badan kooxda laga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, waa maamulkii ugu horreeyay ee ka dhabeeya yoolkiisa ah in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada iyo degmooyinka ay ka heystaan HirShabelle, ayada oo uu kacdoonka ka billowday gobolka Hiiraan, kaas oo ku sii fiday illaa gobolka Sh/ Dhexe ee maamulkaasi.