Sababta aysan isku qarxin amiirada Al-Shabaab iyo caruurta ay dhaleen

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa waxay fulisay boqolaal qaraxyo ah oo dhalinyaro ay kusoo rakibtay tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Baabuur qarax lagu raray oo lagu tala-galay in uu ku dhinto midka wada iyo inta ku sugan bartilamameed la mala-awaalay, qof qarax loogu soo labisay si uu ulaayo dad Muslimiin ah oo nolol maalmeedkooda u halgamaya iyo kuwa lagu qanciyay inay dhexda ku xirtaan suuman qaraxyo ku xiran yihiin oo naftooda iyo dad masaakiin ah ku laayan ayaa ah xirfada ugu weyn Al-Shabaab ee waqtigaan.

Is-dil, Dadna dil, daliil kalena ha raadin ee teyda qaado ayey sanado badan kusoo caano maaleen ragga hormuudka u ah fikirka Al-Shabaab.

Wiilashaas iyo gabdhahaas lagu qanciyay inay naftooda jaraan, dad kale oo qaar cibaadeysanayaan ay aakhiro u diraan, waxay u badan yihiin dad da’ ahaan ka yar 30 sanno.

Dad aan badi aan Qur’aanka iyo macnihiisa baran, dad aan hayn doodo Diini ah oo ka duwan inta uu usheegay ninka kula taliyay inay is-qarxiyaan iyo caruur waalidkood qasab looga soo watay, ayey u badan yihiin dadkaas is-dilka lagu qanciyay.

Waxa jira waalidiin caruurtoodii marhore qaraxyo ku dhinteen oo weli u haysta inay nool yihiin oo Al-Shabaab ay badqab kula joogaan.

Haddii aan usoo dagno gunta mowduuceena, dadka is-qarxiyay weydiin la’aan waa tageen, laakiin inta fikirkaas loo diyaarinayo ee maanta nool waxa hortaalla weydiimahan?

Haddii mowduuca is-qarxintu uu yahay Janno, qof walba oo Muslim ah oo maanta nool himiladiisa ugu weyn waa jano, maxay u diidan yihiin amiirada Al-Shabaab inay is-qarxiyaan, ma Janno ayey rabin? Ma mowduuca is-qarxinta ayuu shaki uga jiraa mise adduunyada ayaa weli u macaan?.

Kasoo tag taas, waxa laga yaaba xitaa inay weydiintaas marmarsiyo u raadiyaan oo ah “Cadowgeen ayaa ku farxaya dhimashada amiiradeena”.

Aan hoos u soo dagno markan, Madaxda Al-Shabaab waxay dhaleen caruur badan, qaar waa la yaqaana caruurta meelaha ay joogan, isma qarxiyaan iyagana caruurtooda kuma tarbiyadeeyaan inay is-qarxiyaan.

Weli Amiir Al-Shabaab ka tirsan wiil ama gabar uu dhalay isma qarxin.

Mukhtaar Rooboow ayaa laga ogyahay amiir Al-Shabaab ah oo cunugiisa furinta keenay, isaguna is-qarxin kuma qorin.

Qarax u kaadiye, xitaa intooda badan kooxda xubin kama ah, waxay haystaan nolol wanaagsan oo waxbarasho ayey ku jiraan, waxayna isku diyaarinayaan nolol fog.

Madaxda Al-Shabaab ee “adiga” kugula talinaya in aad is-disho oo Janno qaadato Ilmahooda miyay ka jecel yihiin, sidee u aamini kartaa farriinta Janno ee ka timid nin raba in isagu sii noolaado, caruurtiisa iyo xaasaskiisuna sii noolaadan.

Doodaan waa mid aanay jecleyn madaxda Al-Shabaab ee naftooda iyo caruurtooda u diiday is-qarxinta, taas badelkeedana dabka ku shubaya dhalinyaro markii hore mushaar doon ahaa markii dambena loo cilmi sheegtay.

Markii aad rabto in aad qeyb ka noqoto fikir waa qasab in aad si fiican wax u baratid, si aad naftaada iyo mida dadka kale aad u dulmin. Sidoo kalena maskax ahaan lagaga xoog badin. Waa in aad tahay qof wax isweydiin badan oo awooda in uu dhowr dhinac ka akhriyo xaalada.