Sawirro: Seddax Wasiir oo Soomaali ah oo Qaahira ku saxiixday heshiisyo cusub

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo koox wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadiisa ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiisyo ay Soomaaliya la gashay Masar.

Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo dalka Masar ay ku joogaan ayaa galabta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, waa Soomaaliya iyo Masar.

“Masar ayaa ballanqaaday inay dowladda Soomaaliya ku garab istaageyso dib u dhiska iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka kadib ayaa masuuliyiinta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, dhaqanka, diinta iyo awqaafta.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Abshir Cumar Huruse, wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qoraal kooban ka soo saaray heshiiskaas ayaa yiri, “Munaasabadda saxiixa qaar ka mid ah heshiisyadii maanta ay magaalada Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar. Heshiisyada iskaashi ee labada dal ay kala saxiixdeen ayaa isugu jira dhinacyada warbaahinta, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha diinta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa goobjoog ka ahaa saxiixa heshiisyadaasi.”

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hoggaaminayo ayaa shalay ka baxay Muqdisho, waxayna wadahadal kadib heshiiskaan lasoo galeen Masar oo ka mid ah dowladaha saameynta leh ee Carabta.

Dowladda Masar waxay sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladaan uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid Masar ku soo celineysa booskeedii saaxiibka dhow ee Soomaaliya.