Cali Maxamed Carraale oo sheegay in ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Waare

Beledweyne (Caasimadda Online) – Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Carraale ayaa weli ka taagan Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyihii Maamulka Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka qaadista lagu sameeyey Cali Maxamed Carraale, oo shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaato Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ay soo weerareen.

Guddoomiyihii hore ayaa xusay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha weerarka uu sheegay inay kusoo qaadeen ciidamadaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono Madaxweynaha Shirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Caraale ayaa madaxda ugu sareeyo dalka ugu baaqay inay 48 saac gudahood kusoo farageliyaan xaaladda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Xarunta Maamulka uu shir kula qaaatey Guddoomiyaha Cusub ee aan xilka la wareegin mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.

Waxaa fashilmay wadahadallo lagu doonayey in Caraale lagu qanciyo inuu aqbalo xilka qaadista, iyadoo maagaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaadka salka ku haya arrimaha maamulka, taas oo sabab looga dhigo is bed-bedalka ay HirShabelle ku sameyso.