CC oo shardi ku xiray xildhibaanada mooshinka!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa soo gabagabeeyay wadahadal uu la lahaa xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka dhalatay Mooshinka Madaxweynaha.

Xildhibaanada oo hore u soo jeediyay qodobo ay ku eedeeyeen madaxweynaha oo ku saabsan hiigsiga cusub iyo dalabyo ay ku xireen inay ka laabtaan Mooshinka ayaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ugu dambeyn ogolaaday in isku-shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada iyadoo lagu soo darayo qaar kamida xildhibaanada wada mooshinka.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa arrintaas si buuxda u ogolaaday balse ku xiray shardi ah in marka hore meesha laga saaro oo laga noqdo mooshinka madaxweynaha, kadibna ay arrintaasi  fulin doonaan.

Xildhibaanada ayaa ku doodaya in mar haddii mooshin la geeyay Baarlamaanka aan laga noqon karin, balse ay u baahan yihiin in marka hore la siiyo balanqaad cad oo aan laga bixi karin, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu  balamo hore uga baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com