CC Shakuur oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hor-yimid in musharaxiinta mucaaradka ay la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid aan habooneyn, xilli aan la ogeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii uu Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay metelaan labadaas madaxweyne goboleed, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta lagu rasaaseeyay wadada aada garoonka diyaaradaha iyagoo dhigaya dibad bax nabadeed, ayaa wax aan suuragal aheyn ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray hotel ay laba madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan hore dagan yahiin.

Qoraalkaan uu hogaamiyaha soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay wakhtigaan “in kaligii taliska laga badbaadiyo dalka”, wuxuuna aaminsan yahay in qof walba oo ka hor timaada dhaqanka uu kaligii talisnimo ku tilmaamay iney gudatay waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR:

Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya.

In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah.

Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybeystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta.

Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan.

Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.