Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay warqad dhowaan kasoo baxday dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo looga hadlay rabshadihii Muqdisho iyo doorashooyinka dalka.

Dubbe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay dhambaallo kala duwan oo hambalyeyn ah ka heshay wadamada caalamka, gaar ahaa kuwa Carabta, wuxuuna tilmaamay inay ku boggaadiyeen dowladda sida ay uga hortagtay maleeshiyaad uu sheegay inay Muqdisho uga dhowaaqeen in dalka uusan laheyn dowlad.

“Waraaqahaas waxay naga soo gaarayeen wadamo badan oo aynu saaxib nahay, gaar ahaan wadamada Carabta oo markii ay maqleen caasimadii dhexdeeda oo laga leeyahay dowladi ma jirto aad u wal-walay. Xalay ayey wasaaraddeena arrimaha dibaddu soo saartay warqad faah faahsan oo ay kusoo dhoweynayaan talooyinkii ka yimid saaxibada caalamka, kuna bal-ballarinayaan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warqadahaasi ay ku dhex jirtay warqad ka timid Imaaraadka oo midab kale laheyd, islamarkaana Soomaaliya u ekeysiineyso dal madow.

“Halkan waxaa idin kuugu yeeray in shacabka Soomaaliyeed aynu u sheegno aadna la wadaagtaan in waraaqahaas ay ku dhex-jirtay warqad midab kala leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiineysay mid madow,'” ayuu  markale yiri.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Warqada Imaaraadka waxaa ka muuqda in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda Inkirayaan, taas oo abuureysa in hadalkii halkan laga lahaa darraad ee ahaa dowladu ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday dowladda Imaaraadka ay rabto in Soomaaliya ay noqoto sida dalalka Yemen iyo Liibiya oo kale.

“Warqadan waxaa ka muuqda in Imaaraadku Soomaaliya uu ka rabo inay noqoto sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka buurto fowdo iyo barakac,”.

Dhinaca kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog iyo saaxibtinimo ku dhisan walaalnimo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan madaxda imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibteEn inay dhaawacaan iskaashiga & xiriirka labada dowladood & labada shacab.

“Muddo aad u dheer Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabtu waxaa ka dhexeeyey xiriir walaaltinimo, mid dhaqan & mid ganacsi oo weliba aad u qoto dheer. Xiriirka labada dal iyo labada shacab waxaa lagu tilmaami jiray walaalihii runta ahaa, iyadoo waxaas oo dhami ay jiraan hadana muddooyinkii ugu dambeeyey, kadib markii madaxda Imaaraadka u qaabilsan arrimaha dibadda ay u dhaqmeen si aan ka tarjumeyn walaalnimadii soo jireenka aheyd ee shacabka Soomaaliyeed & dowladdoodaba waxaa galay shaki ah oo inay is weydiiyaan in Imaaraadku la jiraan & inay ka jiraan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka warfaafinta xumuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka, wuxuuna ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-geliba ka bixiso warqadaasi gefka ku ah qaranimada & sidoo kale jiritaanka Somalia.