JUBALAND oo soo saartay shan qodob oo xasaasi ah – “Farmaajo waa inuu ka dhex baxaa hanaanka doorashada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray is-mari-waaga doorashada iyo rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, xili uu dhamaday muddo xileedkii madaxweynaha iyo hay’adda dastuuriga ah ee dowladda.

Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si mug leh u fahamsan tahay muhiimada ay leedahay in dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, oo ku saleysan hufnaan, xor iyo xalaalna ah, islamarkaana ay dadaal badan ka sameysay sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada.

“Xalinta cabashooyinkaas ayuu Madaxweynaha dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam u tagay magaalada Dhuusamareeb, ugana qeyb qaaty shirkii halkaas kadhacay Febraayo 2-6 ee Dhuusamareeb-4, kaaso nasiib darro madaxweynaha federaalka kasoo tegay iyadoonan xal la gaarin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegtay inay tanaasul badan u sameysay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, waxayna sheegtay inay magaalada Baydhabo u dirtay xubnaheeda uga mid noqonayey xubnaha Guddiga Farsamada ee loo xil saarey inay ka shaqeeyaan turxaan bixinta iyo xal u helida cabashooyinkaas kor ku xusan ee ka dhashay heshiiskii 17-September ee lagu gaaray Muqdisho.

Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qaaday tallaabooyin gurracan oo xoog sheegasho ah, kuwaasi oo aan waafaqsaneyn sharciga, islamarkaana waxyeelo u geysatay muwaadiniin gudanayay xaqooda dastuuriga, midaasi oo wiiqeysa dadaaladii doorashada, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ugu dambeyntiina ku baaqday 5-qoddob, ayada oo dalbatay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hanaanka doorashooyinka, si bey yiraahdeen loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasada ee dalka.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

1. Dowlada Federaalka ee xiligeedu dhamaaday inay garowsho iyo raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeelada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qayb gelayaan dhamaan saamlleyda siyaasadeed ee dalka.

3. In goobta uu shirkaas ka dhacayo noqoto goob amnigeedu lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeeduna lahaato beesha caalamka.

4. In la helo damaanad-qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas.

5. In Madaxweynuhu Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasadeed” ee dalka.