Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii maanta

Muqdisho (Caasimada OnlIne) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd war-murtiyeed kasoo saartay shirkii uu maanta guddoomiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlay is-mari-waaga doorashada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray ‘xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar’, ayada oo la isku raacay in talo soo jeedintii guddiga ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Shirka maanta ayaa waxa uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Waxaa weli dalka ka taagan xiisada ka dhalatay doorashada, gaar ahaan caasimada oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha.