CC Shakuur oo mudac uu Farmaajo wato ku tilmaamay siyaasada A/dibadda Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mudac uu Farmaajo cid walba ku mudo.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in warqadaha wiiftada ah iyo wararka deg-degga lagu tabiyo aysan lahey meel loo celiyo ama cid kale oo talo ku darsata isagoo soo hadal qaaday golaha wasiirada, gole amni qaran, guddiyada arrimaha dibadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka.

Wuxuu usoo jeediyay dowladda Soomaaliya in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku qotonto danta qaranka, sidoo kale wuxuu u sheegay madaxda uu wakhtigooda sii dhamaanayo inaan wakhti walba la lumin saaxiib balse ay siyaasadda arrimaha dibadda kasbataa saaxiibo cusub oo ay yareysaa cadawga.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR:

Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.

Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa.