CC Shakuur oo shaaciyey ‘qorshaha’ FARMAAJO ee ciidankii maanta la daabulay

Beledweyne (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cambaareeyay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ciidanka ugu daabushay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook, ayaa sheegay in arrintaan uu ku dhaqaaqay madaxweyne Farmaajo ay caddeyn u tahay inuu rabo doorasho boob ah, islamarkaana ay tahay arrintii ay beesha caalamka horey uga digeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Ciidanka Haramcad ee Madaxweyne Farmaajo uu maanta Beledweyne ka dejiyey iyo kuwii ka horeeyey ee uu Dhuusamareeb iyo Gedo geeyey waxay daliil cad u yihiin damaciisa doorashada boobka ah. Waxay kaloo cadayn u tahay in uu diidan yahay wadahadal iyo is faham laga gaaro is marin waaga doorashooyinka.

Ruux walba oo isku daya in uu qayb ka noqdo in Farmaajo dalka loo afduubto oo doorasho boob ah loo qabato, xilkii uu doono ha hayo, deegaankii uu doono ha ka soo jeedo, qabiilkii uu doonana magaciisa ha ku hadlo wuxuu halis ku yahay danta iyo amniga qaranka Soomaaliyeed, diiwaanka taariikhdana meel madow buu ka gelayaa. Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in aan meel uga soo wada jeesano kuwa doonaya in ay dalka naga duminayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho, waxaana jirta dood ku hareereysan doorashadii uu kusoo baxay, kulankii uu madaxweyne Farmaajo la qaatay kadib waxaa xigtay in ciidamo loo daabulo Hiiraan oo aheyd halkii laga diiday markii lagu doortay Jowhar.