Qoor Qoor oo sheegay inuu gacan kasoo taagay Deni, A/Madoobe iyo mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay inuu kari waayay Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo musharaxiinta mucaaradka, taasna ay qasab ka dhigtay inuu isaga haro waanwaantii uu ka waday xal u helidda arrimaha cakiran ee doorashooyinka.

Qoor Qoor, oo ku sugan Muqdisho kana hadlayay shir jaraa’id oo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku shaaciyay inaan la lumin doonin wakhti kale, islamarkaana doorashooyin la aadi doono, ayaa sheegay inuu wax jawaab ah ka waayay Axmed Madoobe, Saciid Dani iyo musharaxiinta mucaaradka markii uu hordhigay saddex jawaab oo uu Farmaajo ka waday.

Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inuu mar walba doonayay in la meelmariyo heshiiskii 17-kii September ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, balse go’aankii dowladda markii uu dib ugu celiyay siyaasiyiinta iyo labada madaxweyne aysan wax jawaab ah wali siinin.

“Waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo bixin madaxda Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale iyadoo ay madaxda qaranka sameeyeen tanaasul,” ayuu yiri Qoor-Qoor, oo madaxtooyada Soomaaliya ay u adeegsaneyso inuu muuqaal xun ka bixiyo mucaaradka

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxey isku dayday intii ay awooday in dalka laga hirgaliyo doorasho heshiis lagu wada yahay, waqti kalana yaan laga lumin dalka,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Axmed Qoor Qoor wuxuu kula biiray Guudlaawe, Cumar Filish iyo Lafta-gareen inaan loo joojin khilaafyada jira, islamarkaana horay loogu socdo arrimaha doorashooyinka, waxaana maanta ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoor Qoor oo markii horeba ay madaxweyne ka dhigtay Villa Somalia ayaa hadda gacan weyn ka gaysanayaa inuu dalka geliyo dagaallo sokeeye.