CC Shakuur: “Sanad ka hor aniga iyo Farmaajo waxaan Nairobi ku qabanay kulamo ka dhan ah Xasan Sheekh, maantana maamulka Farmaajo ayaa….”

Nairobi (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay kulankii soo dhoweynta ahaa ee laga joojiyay taageerayaashiisa magaalada Nariobi ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay hab dhaqanka dowladda Farmaajo ee ah inay bartimaameedsato dadka ka aragtida duwan, wuxuuna tacsi u diray jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Kenya iyo taageerayaashiisa is hortaaggii lagu sameeyay kulankii soo dhoweyntiisa.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu Farmaajo xusuusiyey arrintan: “Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh…”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com