CC Sharmaarke oo kusoo laabtay MUQDISHO, soona saaray WAR xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta dib ugu soo laabtay Xamar, kadib sanado uu ka maqnaa dalka, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey xubnaha Midowga Musharixiinta.

Cumar Cabdirashiid oo afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Aqalka Sare, balse dibad joog ahaa ayaa sheegay inuu ii yimid sidii uu qeyb uga noqon lahaa doorashada.

Sidoo kale wuxuu si xoogan u dhaliilay qaabka ay haatan wax ku socdaan, isaga oo xusay inuu dalka u baahan yahay samata bixin, sida uu hadalka u dhigay.

“Dalka xaalad qatar ah ayuu ku sugan yahay awoodii waxaa loo gacan geliyay maamulada iyo dadka doorashada ku howlan samata bixin ayuu u baahan yahay dalka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey maqnaashihiisa dalka, isaga oo ahaa Senatar aan xaadirin fadhiyadii Aqalka Sare ayaa tilmaamay in golahaas horay loo cuuryaamiyey, isla-markaana imaatinkiisa maanta uu ku soo aaday, xilli ku haboonaa oo misane xasaasi ah.

“Aqalka Sare waa tii la dilay sow maaha, Aqalka Sare maba jirin intii muddo ah waxaa laga shaqeeyey in la cuuryaamiyo oo muddo ayuu cuuryaansanaa. Far kaliya fool ma dhaqdo arrintu meeshaas ma taagna imaatinkeygu waa markii ugu haboonaa,” ayuu sii raaciyey.

Sharmaa’arke oo si weyn u dhaleeceeyey mar kala duwan dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa la filayaa inuu toos ugu biiro loolanka socda ee doorashooyinka, waxaana imaatinkiisa uu imaanayaa, xilli uu maran xoogan ka taagan yahay Golaha Shacabka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii