Guddiga xallinta khilaafaadka oo jawaab ka bixiyey warkii kasoo baxay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku aadan arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan cabashooyinka taagan iyo eedeynta ka timid xubaha Golaha Midowga Musharixiinta.

Ugu horreyn guddiga ayaa dib u soo bandhigay shuruucda doorashada ee la dajiyey, gaar ahaan cabashooyinka, kuwaas saldhig looga dhigay heshiisyadii hore loo gaaray iyo qodobadii kasoo baxay shirarkii kala duwanaa ee ay yeesheen Golaha wada-tashiga qaran.

Guddiga oo u jawaabayey xubnaha mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday inay xaq u leeyihiin fikiradooda, balse loo baahan yahay in dacwadaha la marsiinayo warbaahinta bedalkeed, si rasmi ah loo soo gaarsiiyo guddiga xallinya khilaafaadka doorashooyinka dadban.

“Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyey in ilaa iyo hadda soo gaareen kaliya laba dacwo oo la xiriirta doorashooyinkii xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhowaan la qabtay, isla-markaana uu guddiga u maray halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka.

“Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa xaqiijiyay inay si rasmi ah u soo gaartay labo dacwo oo Golaha Shacabka ah intii doorashada socotay, waxaana go’aankooda Guddigu u maray hanaanka dhaqanka iyo halbeegyada caalamiga ah ee doorashooyinka, wuxuuna Guddiga uu ku booriyay soo-dacwoodayaasha Doorashada ee buuxiyay shuruudaha dacwo oogashada inay dacwooyinkooda Doorashada ku hagaajiyaan Xafisyada uu guddigu ku leeyahay goobaha deegan doorshooyinka dalka muddada kor ku xusan,” ayaa lagu yiri.

Guddiga ayaa sidoo kale ka dalbaday xubnaha Midowga Musharaxiinta inay keenaan caddeymo muujinaya, haddii guddigu is hor-taagay dacwado lasoo gaarsiiyey.

Arrintan ayaa daba socota dooda adag ee weli ka taagan sida ay ku billowdeen doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu eedeeyey inay boobeyso Villa Soomaaliya