Xog: Mowqifka R/W Rooble kadib markii mucaaradka ay qaadaceen doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaan qorsheyneyn in la joojiyo doorashooyinka dalka kadib markii ay qaadaceen Midowga Murashaxiinta, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Midowga Murashaxiinta ayaa bayaan ay soo saareen 30-kii November ku caddeeyey “inuusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dowladnimada.”

Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale qoraalkaas ku sheegay in Rooble ay ka dalbadeen in la joojiyo doorashooyinka balse uu ku gacan seeray, taasi oo ku qasabtay inay si shaacsan u dalbadaan in la hakiyo doorashada.

Si kastaba, ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Rooble ayaa Caasimada Online u sheegay in qaadacaadda mucaaradka Rooble aysan waxba ka beddeleyn mowqifka Rooble ee ah in doorashooyinka dalka ay sii socdaan, wixii cabashooyin ah ee jirana la xaliyo.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa qaba in haddii ay jiraan kuraas si qaldan loo maamulay ama si gaar ah loogu muransan yahay in mid mid loo eego balse aysan sax aheyn in dhammaan doorashada dalka la joojiyo.

Afhayeenka Rooble Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu shalay soo dhigay facebook eedda doorashada uga leexiyey ra’iisul wasaaraha, kuna muujiyey inay ka go’an tahay inay sii socdaan.

“Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan, balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo,” ayuu yiri Macallimuu

Mowqifka Rooble ayaa astaan u ah sida ay u kala fogaadeen isaga iyo mucaaradka oo mar xulufo ahaa, islamarkaana garab xooggan siiyey markii ay is-hayeen madaxweyne Farmaajo.

Isbeddelka ku yimid Rooble ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay safarkii uu bishii October ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo wararka ay sheegayaan in Doha ay ku amartay inuu la shaqeeyo Farmaajo, islamarkaana lacag malaayin dollar ah uu kusoo qaatay.