28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

CCC oo taageero ka helay xildhibaano

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay taageero u muujiyay xukuumada uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shama’arke.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud, oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada ka imaan karta golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay yihiin dad wax badan kala socda xaalada dalka.

“Wasiirada la magacaabay aniga waxaan aaminsanahay iney yihiiin wasiro wanaagsan, waayo aragnimo ayay u leeyihiin dalka Soomaaliya, waxaana aaminsahay in wasiirada la magacaabay ay kasoo dhalaali doonaan waxqabadka laga doonayo” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Maxamed Maxamuud, ayaa la weydiiyay sababta keentay inuu taageeri xukuumada cusub ee Soomaaliya?

“Wasiirada lasoo xulay waxaan ku taageerayaa waxqabadka maanta dalka ka muuqdo iyagaa soo qabtay, iyagaa ayaa shacabka Soomaaliyeed garanaya waxay doonayaan iyo sida wax loogu qabanayo, waxaana aaminsahay inay waxbadan qabanayaan”.

Tan iyo markuu Cumar C/rashiid soo magacaabay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya waxaa jiray dhaliilo iyo taageero loo muujinayay golahisa wasiirada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News