Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay Caqabad ku yihiin Hanaanka Dowladnimo ee Somalia.
Waxa uu sheegay inay sii farabadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee u xuubsiibanaya fashilinta Xukuumada Cusub waxa uuna Tilmaamay in arrinkaasi uu yahay mid nasiibdaro ku ah Jiritaanka Gole shacab.
Isaga oo ka hadlaayay Caqabadaha wasiirada cusub ka heysta dhanka Xildhibaanka ayaa waxa uu yiri “Waxaan idin sheegaya anu ka deyno haddaan xildhibaanno nahay carqaladeynta wasiirrada cusub,maadaama uu san jirin waqti hada la is qab qabsado wakhtiga dowlada u harsan ayaa aad u yar fadlan Xildhibaano aan iska dhaafno Carqaladeynta,”
Dhanka kale, Xildhibaan Daahir waxuu sheegay in fara gelinta laga daayo xukuumada cusub, baarlamaanka caadi laga dhigo si howsha qaran si wanaagsan loo gudo.
Haddalka Dahir Amiin ayaa kusoo beegmaaya xili Magaalada Muqdisho ay ku kulmeen Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo sheegay inaysan codka kalsoonida siin doonin wasiirrada cusub,sabab ay ku sheegeen in balanta uu kaga baxay ra’iisal wasaaraha cusub Cumar Cabdirishiid Cali Sharmarke.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

