CID-da Muqdisho ‘oo arrin yaab leh kula kacday’ qoys gabadhooda la kufsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aan dowladnimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed u wanaagsaneyn ayaa hay’adda danbi baarista C.I.D kula dhaqantay qoys dhibane ah oo gabadhooda inta la xoogay, la jir dilay haddana la kufsaday iyadoo uur leh.

Hay’adda C.I.D oo ku shaqo leh inay baaris iyo dabagal ku sameyso kiisaska fal dambiyeed, haddii ay ahaan laheyd dilka, dhaca iyo fal dambiyeed kasta ayaa si shuruud la’aan ah oo lacag la’aan ah ay tahay inay ugu adeegto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhiban.

Hase yeeshee, waxaa soo yeertay isla markaana ogaanay in masuq maasuq baahsan uu ka jiro hay’adda dhexdeeda, islamarkaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee doonaya in kiisaska dacwadaha iyo dambiyada loo baaro, lagu xero shuruudo kala duwan.

C.I.D ayaa lagu wargeliyaa falalka dilka ah ee ka dhaca Muqdisho si loo baaro meydka iyo falka dambiyeedka, waxayna qaadaan meydka oo mudo maalin ama labo maalin ay haystaan si loo baaro, hase ahaatee inta aysan qaadin meydka waxay ehelka marxuumka ay ka dalbadaan lacag dhan 500 Dollar si loo baaro kiiska, ciddii aanan bixina wax baaris ah looma sameeyo.

Macallin Xuseen oo ah aabaha dhalay Xaajiyo Macallin oo habeenkii Axadda inta la jir dilay la kufsaday iyadoo uur leh ayaa sheegay in C.I.D ay diiday inay baaraan kiiska gabadhiisa ilaa ay ka bixiyaan 500 dollar, wuxuunta intaa raaciyay in ay dib usoo ceshdeen meydkooda oo ay duugteen.

“C.I.D waxay ku leedahay 500 dollar keena, ilaahey baa idinku dhaarshee, dadkii caddaaladda ka shaqeyn lahaa waa kuwaas,” ayuu yiri Aabe Macalin Xuseen isagoo ilmeynayay, wuxuuna tallo saartay Alle SWT.

Xaajiyo Macallin Xuseen oo aheyd Xaas dhashay afar wiil iyo gabar ayaa xiligii la kufsanayay raadineysa ari ka lumey, balse nasiib daro waxaa goob cidla ah ka helay dableyda oo si arxan daran u jir dilay kahor inta aan la kufsan.

Marxuumada ayaa ka muuqday dhaawacyo ay ka mid ahaayeen inay jajabnaayeen lacaheeda, afka ciid looga duugay, ilkahana la jabiyay iyo dhaawacyo kale oo fool xun.

Hay’adda C.I.D ayaa isku daynay inaan la xiriirno si ay arrintaan ugu jawaabaan, hase ahaatee kama aysan jawaabin codsigeena.