Ciidanka DF oo burburiyey fariisimo iyo maxkamado ay lahaayeen Al-Shabaab

Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weli sii wada dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgallada lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland.

Howlgallada oo ah kuwa culus ayaa waxaa ka mid ah meelaha ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose, ayada oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalladan si gaar ah looga fuliyey tuulooyin dhaca inta u dhexeysa deegaannada Nambar 50 iyo Gandarshe ee gobolkaasi.

Sarkaal u hadlay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladan ay ku burburiyeen fariisimo iyo maxkamado ay Al-Shabaab ku lahaayeen miyiga gobolka Shabeelaha Hoose.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay kadib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay si wadi doonaan dagaalka adag ee ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, ujeedkooda uu yahay sidii looga saari lahaa guud ahaan gobolka.

Dhanka kale ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo deegaanno horleh looga qabsaday dagaalyahannada  Al-Shabaab.

Warsaxafaadeed goor sii horreysay ka soo baxay dowladda federaalka oo looga hadlay howlgalladan waxaa lagu sheegay in Al-Shabab looga dilay ugu yaraan illaa 100, loogana qabsaday 20 deegaan oo kula kala yaalla HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.