Ciidamada DF oo howl-gal ku dilay Abuu Nuur Mukhtaar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa howl-gal qorsheysan oo maanta ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ku dilay Madaxii hoobiyeyaasha ee kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay Idaacada ciidamada qalabka sida.

Howl-galkaasi ayaa sidoo kale lagu dilay 17-xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhulka lala simay oo ay ciidamadu bur-buriyeen xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida, ayaa waxa uu sheegay in howl-galkii maanta lagu dilay Abuu Nuur Mukhtaar, oo ahaa madaxii hoobiyeyaasha Shabaab.

Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer Gaabshe, ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa haynta iyo tuurista hoobiyaayaasha, sida uu sheegay Taliyuhu.

Taliye Axmed ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday inuu bixiyo faah-faahin intaasi ka badan oo ku saabsan weerarkii maanta ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howl-galkan ayaa imanaya xili ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaankaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro qorsheysan ka fulisa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, taasi oo keentay in ciidamada dowladdu ay kordhiyaan howl-galada ay ku beegsanayaan maleeshiyadooda.