Go’aanka Kenya ee qorshaha cusub ee Mareykanka ee la xiriira kooxda Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay sida ay uga falceliyeen dalab kaga yimid dowladda Mareykanka kuna saabsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Kenyatta oo wareysi siinayay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday ineysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Mareykanka ay gudaha wadankooda ku duqeeyaan Al-Shabaab oo la aaminsan yahay iney halis ku tahay wadamada Bariga Afrika.

Kenyatta wuxuu sheegay in wararka sida xanta ah u baahinaya in ciidamada Mareykanka ay doonayaan iney duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha wadankooda iyagoo beegsanaya Al-Shabaab aysan marnaba ogolaan doonin hadii dalabkaas la horkeeno, waxaana hadalkiisa ka muuqaneysa ineysan wali jirin dalab rasmi ah oo kaga yimid xukuumadda Washington.

Sidoo kale warbixinta uu baahiyay Tv-ga laga leeyahay wadanka Faransiiska ayaa qireysa ineysan dowladda Kenya wali go’aan ka gaarin wakhtiga ay ciidamadooda ka saarayaan gudaha Soomaaliya.

Si kastaba wargeys laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa si xan ah usoo dusiyay dhawaan damaca ku jira dowladda Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, balse ma jirto warbixin rasmi ah.

Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida waxey ku xoogan yahiin Koonfurta Soomaaliya, waxeyna sidoo kale dhibaatooyin ka geystaan wadamada Dariska gaar ahaan Kenya.