Wasiirada xukuumadii R/W XASAN CALI KHEYRE oo loo yeeray – Maxaa socda?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii-hayayaasha wasiirada xukuumadii dhacday ee Kheyre ayaa looga yeeray Villa Somalia iyadoo ay jirto guux ku saabsan in ra’isul wasaaraha cusub uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan loogu yeeray, balse waxaa la fahamsan yahay in loogu yeeray arrimo ku saabsan soo xulista xubnaha cusub ee xukuumadda, ayada oo qaarkood lasoo celin doono qaar kalena, loo sheegi doono inaanay soo laaban doonin.

Xubnaha soo laaban doonaa waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo qaar kale oo hadda ka tirsan sii-hayeyaasha Golaha Wasiirada Soomaaiya.

Wasiirada baxaya waxaa ka mid ah Wasiirka amniga Soomaaliya Xil. Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Amardambe, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Sabriye wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xidhibaan  Cusmaan Daalo iyo qaar kale.

U yeerista wasiirada ayaa kusoo aadeysaa xilli lasoo saaray hab raac rasmi ah oo ku saabsan doorashada soo socota, taasoo shaqadeeda la bilaabayo bartamaha bishaan, waxaana loo baahan yahay in xukuumadda cusub ay udub dhexaad noqoto howsha.