Dastuurka Mareykanka iyo xanuunka madaxweynaha – Sidee Donald Trump xukunka looga qaadi karaa?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta shaaca ka qaaday in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump laga helay cudurka Coronavirus, ayna geli doonaan karantiil laba toddobaad ah.

Haddaba, maxaa dastuurka Mareykanka uu ka leeyahay markii madaxweyne xilka haya uu xanuunsado, maxaase dhacaya haddii xanuunkaas uu u geeriyoodo ama si kale.

Qodobka 25-aad ee dastuurka Mareykanka, farqadiisa 3-aad waxaa ku qoran, in haddii madaxweynaha uu xanuun la seexdo uu haysto ikhtiyaar uu si ku-meel gaar ah awoodda ugu wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka, ooh adda ah Mike Pence, wuxuuna dib usoo ceshan karaa awooddiisa marka ay la noqoto inuu caafimaad ahaan awoodo inuu waajibaadkiisa guto.

Tan iyo markii qodobkan lagu soo daray dastuurka 1967-kii, waxay madaxweynayaasha Mareykanka arrintan sameeyeen kaliya saddex goor. 1985-kii, madaxweyne Ronald Reagan ayaa si ku-meel gaar ah awoodda ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa George H. Bush, ayada oo lagu sameynayey malawad-baaris (colonoscope) inkasta oo uusan si rasmi ah u shaacin.

Madaxweyne George W. Bush ayaa isna qodobka 25-aad adeegsaday laba goor, isaga oo sanadihii 2002 iyo 2007 si ku-meel gaar ah xukunka ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa Dick Cheney. Bush ayaa sidoo kale labada goorba lagu sameeyey malawad-baaris (colonoscope).

Farqada 4-aad ee qodobka 25-aad ayaa waxaa ku qoran hab madaxweynaha looga wareejin karo xukunka, haddii uu awoodi waayo ama loo arko inuusan awoodi inuu dalka maamulo xanuun ama sabab kale darteed. Qodobkan ayaa golaha wasiirada siinaya awood ay inta ay codeeyaan ay tallaabadan ku qaadi karaan, ayaga oo xukunka ku wareejinaya madaxweyne ku-xigeenka. Qeybtan dastuurka marnaba lama adeegsan.

Haddii madaxweyne ku-xigeenka uusan isna awoodin inuu xilka qabto, waxaa hoggaanka dalka la wareegaya afhayeenka Aqalka Wakiilada, oo hadda ah Nancy Pelosi.

Haddii madaxweynaha uu geeriyoodo, waxaa xukunka la wareegaya madaxweyne ku xigeenka. Haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba ay geeriyoodaan waxaa xukunka la wareegaya afhayeenka Aqalka Wakiilada.

Mareykanka ayaa leh taraiikh fog oo madaxweynayaal ay ku dhaceen xanuuno darran ayaga oo fadhiya xafiiska, oo qaarkood ay haleeleen cudurro saf-mareen ah.

Madaxweynihii ugu horreeyey Mareykanka George Washington ayaa mar qarka u istaagay geeri, xilli Mareykanka uu ka socday hargab darran, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisa labaad, halka Woodrow Wilson uu xanuunsaday intii ay socdeen wada-hadalladii nabadeed ee Paris kadib dagaalkii koowaad ee adduunka, kaasi oo sidoo kale uu haleelay hargab dunida dad badan ku laayey intii u dhaxeysay 1918-1920.

Afar madaxweyne ayaa Mareykanka ugu geeriyodoay xaalado dabiici ah ayaga oo xukunka haya, kuwaas oo kala ah: William Henry Harrison, Zachary Taylor, Warren G. Harding iyo Franklin D. Roosevelt. Sidoo kale afar madaxweyne ayaa la dilay ayaga oo xukunka haya, kuwaas oo kala ah: Abraham Lincoln, James A. Garfield, William McKinley iyo John F. Kennedy.