Ciidamada DF oo la wareegay saldhig weyn oo ku yaalla…

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen saldhig weyn oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd koonfurta gobolkaasi.

Saldhiggan oo ay muddo dheer ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab ayaa ku yaalla buurta lagu magacaabo Badbad, waxaana gudaha u galay ciidamada huwanta.

Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug oo ah Abaanduulaha Guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, wuxuuna sheegay inay gudaha saldhigga ugu tageen meydad ay uga carareen xubnaha Al-Shabaab ee laga saaray saldhiggaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weli sii baacsanayaan firxadka kooxda oo ku sugan hawdka ku yaalla koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Saldhigyadii aan ka saarnay Khawaarijta ee ku yaala Buurta Badbad iyo dhulka howdka ah waxaan ugu tagnay Lafo dad, godad waaweyn iyo taliskii Caafimaadka ee Khawaarijta oo meydad dhex yaalaan, ma aheyn meel qof shacab ah tagi karo oo waxay aheyd dhul howd ah oo ay ku dhuumaaleysan jireen Khawaariijta” ayuu yiri Abaanduulaha 18-aad ee Gorgor.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay duqeymo xoogan ay ka dhaceen duleedka degmada Xarardheere, taas oo lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen xubno Shabaab ah.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyqya, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta.