Ciidamada Jeneral KHALIFA XAFTAR oo laga qabsaday garoonka diyaaradaha Tripoli

Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa Arbacadii dib u qabsaday garoonka weyn ee diyaaradaha ee magaalada Tripoli, taasi oo inta badan magaalada caasimadda ka wada saareysa ciidamada Jeneral Khaliifa Xaftar.

Muuqaallo lasoo dhigay online-ka ayaa muujinaya ciidamada dowladda taageersan oo gawaarida dagaalka ku dhex wada garoonka oo ay yaallaan diyaarado ay madaafiic ku dhaceen, islamarkaana sawirro isaga qaadaya.

Qabsashada garoonka ayaa kaabeysa bil ay guulo badan gaareen ciidamada dowladda, oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga (Drones) ay ka caawiyeen in ciidamada Khaliifa Xaftar ee fadhigeedu yahay Bariga Libya laga sifeeyo waqooyiga galbeed ee dalka.

Militariga dowladda ayaa sheegay in qabsadeen garoonka, islamarkaana ciidamada Khaliifa Xaftar ku riixeen degmada deriska la ah ee Qasr Ben Gashir. Ilo-wareedyo militari oo ku dhow Xaftar ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamadooda ay ka baxeen garoonka.

Libya ayaan lahayn wax dowlad dhexe ah oo dalka oo dhan wada maamusha tan iyo 2011, waxaana ay u kala qeybsaneyd magaalooyin ay kala maamulaan dowladda caalamu aqoonsan yahay in kooxda Khaliifa Xaftar oo sidoo kale sheegata dowladnimo.

Xaftar ayaa bishii April ee 2019 billaabay weerar uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda Libya, hase yeeshee waxaa bilihii dhowaa hakiyey faro-gelin ay Turkiga ku sameeyeen dalkaas, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda.

Khaliifa Xaftar ayaa waxaa taageera Masar, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka, halka dowladda ay gacan ka heleyso Turkiga iyo Qatar.

Ayada oo Xaftar inta badan laga saaray caasimadda, ayaa waxaa hadda dagaallada soo socda la filayaa inay ka dhacaan koonfurta iyo koonfurta bari ee Tripoli, gaar ahaan magaalada Gharyan oo ay haysato dowladda, iyo magaalada Tarhouna oo ay maamulaan ciidanka Xaftar.

REUTERS + VOA